DF oo ka laabatay go’aan ay horey uga qaadatay doodda musharaxiinta + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa fasaxday dooda Musharaxiinta Madaxweynaha ee ay qorshaheeda waday hay’adda la baxday Somali Debates, taasi oo markii hore ay Wasaaradu sheegtay inaysan haysan sharciyad warbaahineed.

Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu sheegay in maamulka hay’adda Somali Debates ay u yimaadeen mas’uuliyiinta Wasaarada, islamarkaana ay raali-gelin ka bixiyeen hanaankii khaldanaa ee ay u wadeen dooda musharaxiinta.

“Wasaarada Warfaafinta iyada oo ka duulaysa in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo adeegyada bulshada u hayaan, waxay ku wargelinaysaa dhamaan hay’adaha ay warqadani sida tooska ah ugu socoto iyo kuwa ay ogeysiintu ku tahayba in Wasaaradu u fasaxday laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 09/05/2022, Somali Debates inay qaban karaan dooda musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxay Wasaaradu fartay hay’addaha arrintaan ay khuseyso in ku garabsiiyaan gudashada iyo qabsoomida dooda musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee ay qaban-qaabinayaan Somali Debates.

6-dii bishaan ayay aheyd markii Somali Debates shaacisay caddeyn ay ku sheegtay in fasax iyo oggolaansho ay ka heystaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, [lambarka NGOD/Moifar0065/22].

“Soomaali Debates hadafkeedu waa in bulshadu qeyb ka noqoto siyaasadda, iyadoo laga doodayo danta guud. Taasina waa danta qaranka, sharciga iyo diiwankana waxaan u marnay wadadii saxda ahayd, waanu ku sii socon doonaa sida qorshuhu yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xiligaas Somali Debates.

Waxay sheegen in qorshahooda ku aadan dooda musharraxiinta madaxweynaha ay taageero buuxa uga heystaan shacabka Soomaaliyeed, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, qaar ka mid ah xubnaha beesha caalamka, FEIT, NIEC iyo musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo dhamaantood gacmo furan ku soo dhaweeyay hindisaha Somalia Debates.

Si kastaba, arrintaan ayaa soo afjareysa murankii ka taagna qabsoomida dooda Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ayada lagu wado in doorashada madaxweynaha ay dhacdo 15-ka bishaan May.