Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab adag ka bixisay hadalkii Puntland, kadib markii ay ka digtay safar ay sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo inuu ku tago koonfurta magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Maamulka Galmudug.
Puntland ayaa Xasan Sheekh ku eedeysay inuu weli wado “abaabul colaad ka dhan ah deegaannadeeda”, waxayna ku doodday in safarkaasi uu leeyahay ujeeddo lagu doonayo in qalalaase looga abuuro magaalada Gaalkacyo, oo muddooyinkii dambe ka soo kabaneysay colaado iyo xiisado soo noqnoqday.
“Dowladda Puntland waxay si dhow ula socotaa abaabulada qorshaysan ee uu Xasan Sheekh Maxamuud wado, waxayna ka digaysaa qorshaha safarka Xasan Sheekh uu ku imaanayo Koonfurta Gaalkacyo ee Dowladda Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Madaxtooyada Puntland.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo shaaca ka qaaday in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tegayo koonfurta Gaalkacyo, isla markaana aysan jirin cid kale oo uu marti uga yahay, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, digniinta Saciid Deni ayuu ku tilmaamay inay tahay mid qiyaali ah oo aan waxba soo kordhineyneynin.
“War waxaas waba ma qaadi karo waa nin iska hadlay Gaalkacyo wuu tegayaa Madaxweynuhu wuxuu tegayaa maamulka Galmudug, sida uu u joogo Dhuusamareeb marka cid uu marti uga yahay ma jirto runtii waxaan is leeyahay warqaddaas waa warqad aan qiil lahayn,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Fiqi ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray Jimcihii ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland, isaga oo sheegay inuu la saftay shisheeyihii ay is-hayeen Soomaaliya, oo uu ula jeedo Imaaraadka iyo Itoobiya, isla markaana uu taageeray kala go’a dalka, taas oo qiyaano qaran ah.
“Deni wuxuu Soomaaliya kala saftay shisheeyihii la is qabtay, wuxuu taageeray kala go’a dalka, wuxuu gacan siiyay xasuuqa walaalaha Sudan ay cadowgu u geysanayaan,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli khilaafka siyaasadeed iyo midka amni ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka uu toddobaadyadii ugu dambeeyay si weyn ugu soo ururay gobolka Mudug. 4-tii August waxaa koonfurta Gaalkacyo laga dejiyay hub ay Puntland sheegtay in Villa Somalia u waday ciidamo ku sugan dhinaceeda magaalada, hubkaas ayaa markii dambe gacanta u galay koox hubeysan, waxaana halkaas ka dhacay iska-horimaad.
Maalintii xigtay, ciidamada Puntland ayaa dagaal la galay ciidamo ka tirsan PSF oo la sheegay inay taageero ka haysteen dowladda federaalka, kaddibna waxay la wareegeen xeradii ay ciidankaasi kaga sugnaayeen waqooyiga Gaalkacyo.
Si kastaba ha’ahaateen, Dhacdooyinkan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in muranka siyaasadeed ee Muqdisho iyo Garoowe uu isu beddelo loollan amni oo si toos ah uga dhex muuqda Gaalkacyo.

