DF oo maamulka Trump iyo dalal Carab ah kala hadleysa qorshe ku saabsan Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay dadaallada diblomaasiyadeed ee ay ku doonayso in lagu hor istaago in dalal kale ay ku daydaan Israa’iil oo Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan, iyadoo arrintan si toos ah ugala hadlaysa maamulka madaxweyne Donald Trump iyo dowladaha Carabta.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in Muqdisho ay xiriir joogto ah kula jirto maamulka Mareykanka, xilli qaar ka mid ah xubnaha Kongareeska ay sii wadaan olole ay ku doonayaan in Washington ay beddesho siyaasaddeeda Somaliland.

Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), oo wareysi siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat, ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay dowladaha Carabta ka dalbatay inaysan ku ekaan cambaareynta tallaabada Israa’iil, balse ay adeegsadaan xiriirkooda siyaasadeed iyo saameyntooda diblomaasiyadeed si looga hortago in aqoonsiga Somaliland uu ku faafo dalal kale.

“Ujeeddadu ma aha oo keliya in cambaareyn la soo saaro,” ayuu yiri wasiiru-dowluhu, isaga oo ku baaqay in dowladaha Carabta ay qaadaan tallaabooyin firfircoon oo looga hortagayo in go’aanka Israa’iil uu isu beddelo olole ballaaran oo aqoonsi loogu raadinayo Somaliland.

Israa’iil ayaa bishii December 2025 noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee si rasmi ah Somaliland ugu aqoonsada dal madax-bannaan, taasoo jebisay mowqifkii caalamiga ahaa ee muddada dheer Somaliland loogu aqoonsanaa qeyb ka mid ah Soomaaliya.

Go’aankaas ayaa Somaliland u noqday guul diblomaasiyadeed oo weyn, kaddib in ka badan 30 sano oo ay raadineysay aqoonsi caalami ah tan iyo markii ay sheegatay inay Soomaaliya inteeda kale ka go’day sanadkii 1991.

Hase yeeshee, ilaa hadda ma jiro dal kale oo xubin ka ah Qaramada Midoobay oo raacay tallaabada Israa’iil, inkastoo maamulka Hargeysa uu kordhiyay dadaallada uu ku raadinayo aqoonsiyo cusub.

Cadaadiska Washington

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Mareykanka ay si joogto ah uga wada hadlaan arrimaha madaxbannaanida, amniga iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

“Dood kasta oo la xiriirta aqoonsiga waxaan u aragnaa arrin dhab ah,” ayuu yiri Cali Balcad.

Waxa uu qiray inay jiraan xubno ka tirsan Kongareeska Mareykanka oo doonaya in Washington ay beddesho mowqifkeeda Somaliland, balse wuxuu kala saaray dadaallada xubnahaas iyo siyaasadda rasmiga ah ee maamulka Trump.

Sida uu sheegay, maamulka Mareykanka ayaa weli taageersan mabda’a “hal Soomaaliya”, isla markaana aqoonsan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay Somaliland ku jirto.

Si kastaba, cadaadiska lagu doonayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland ayaa kasoo xoogeysanaya qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jamhuuriga iyo shaqsiyaad caan ku ah taageerada Israa’iil.

Senator Ted Cruz ayaa horay madaxweyne Trump ugu baaqay inuu aqoonsado Somaliland, halka xildhibaan Scott Perry uu Kongareeska horgeeyay sharci lagu doonayo in Mareykanku si rasmi ah u aqoonsado.

Bishii June, Mike Evans oo ah shaqsi si weyn ugu ololeeya Israa’iil ayaa sheegay inuu Trump kala hadli doono aqoonsiga Somaliland, kaddib booqasho uu madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ku tagay Israa’iil.

Dadaalladaas ayaan ilaa hadda wax isbeddel ah ku keenin siyaasadda rasmiga ah ee Mareykanka.

Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in danaha Mareykanka ee la-dagaallanka argagixisada, amniga badaha iyo xasilloonida Geeska Afrika ay si wanaagsan ugu adeegayaan Soomaaliya midaysan oo xasilloon.

Taageerada Carabta  

Tan iyo markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland, dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan u gashay sidii ay taageero uga heli lahayd dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka.

Cali Balcad ayaa sheegay in mowqifkii ay dalalkaas markii hore qaateen uu muhiim u ahaa muujinta in go’aanka Israa’iil aanu waxba ka beddelin mowqifka guud ee gobolka iyo beesha caalamka ee ku aaddan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Muqdisho ayaa hadda doonaysa in dalalkaas ay xiriirkooda diblomaasiyadeed u adeegsadaan dowladaha laga yaabo inay Somaliland bartilmaameedsato si ay uga hesho aqoonsi.

Wasiiru-dowlaha ayaa bishii July sheegay in Soomaaliya ay lix dal ku qancisay inaysan ku dayan Israa’iil, inkastoo aanu magacaabin dalalkaas.

Dadaalladaas ayaa si gaar ah u muuqday bishan Agoosto, markii wafdi ka socda Somaliland uu booqday Guinea-Bissau, halkaas oo ay ka socdeen wada-hadallo loo arkayay inay Somaliland u dhoweyn karaan aqoonsi.

Hase yeeshee, dadaal diblomaasiyadeed oo ay sameeyeen Soomaaliya iyo dowlado kale oo gobolka ah ayaa ugu dambeyn hakiyay qorshahaas.

Xiriirka Israa’iil iyo Somaliland

Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay xiriirka amni ee sii ballaaranaya ee u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland, isagoo sheegay in Muqdisho aysan aqoonsiga Israa’iil u arkin tallaabo diblomaasiyadeed oo keliya.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si gaar ah uga falcelin doonto isku day kasta oo dal shisheeye uu saldhig militari ama sirdoon uga sameysto Somaliland isaga oo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka.

Somaliland ayaa hore u qiratay inay Israa’iil ka hesho taageero dhinaca amniga ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Maxamed Yuusuf Cali ayaa bishii June wakaaladda Reuters u sheegay in Israa’iil ay tababarto ciidamada militariga iyo booliska Somaliland.

Hase yeeshee, wuxuu beeniyay in labada dhinac ay ka wada hadlayaan sidii Israa’iil saldhig militari uga sameysan lahayd Somaliland.

Xiriirkaas dhinaca amniga ah ayaa sii adkeeyay khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa, gaar ahaan wixii ka dambeeyay aqoonsigii Israa’iil.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in heshiis kasta oo la xiriira dhulkeeda, amniga ama xiriirrada dibadda uu u baahan yahay oggolaanshaha dowladda federaalka.

Muqdisho ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto adeegsiga waddooyinka diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci si looga hortago in dalal kale ay ku daydaan go’aanka Israa’iil.

- Advertisement -

Read more

Local News