DF oo mar kale arrin xasaasi ah ku eedeysay Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa mar kale ku celshay in dowlada Somalia ay aqbashay wadahadalka ay Sacuudiga ka dhexwado Somalia iyo Imaaraadka.

Wasiir Cawad, oo la hadlay BBC Arabic waxa uu sheegay in dowlada Imaaraadka ay caqabad ku tahay in xal rasmi ah laga gaaro khilaafka, halka ay Somalia ka ogolaatay wadahadal qabyo ah oo hadda socda.

Wasiirku waxa uu sheegay in Imaaraadka aysan heyn wax cad oo ay ku doodi karaan sidaa aawgeed ay waddo u arkeen inay ka meermeeran wadahadalka ay iminka wado dowlada Sacuudiga.

Cawad, waxa uu sheegay inay Imaaraadka carabta ku eedeynayaan in daacad aysan u aheyn xal laga gaaro khilaafka waxa uuna meesha ka saaray in Somalia ay dhankeeda kala imaaday shuruudo adag.

“Si aan adduunku noogu eedeyn khilaafka waxaanu Sacuudiga ka aqbalnay in la xaliyo khilaafka Imaaraadka ma dhicin waayo Imaaraadka carabta ayaa dhan waliba iska hortaagay wadahadalka”

Sidoo kale, Wasiir Cawad waxa uu cadeeyay in Imaaraadka carabta ay dooneyso inay ku xadgudubto sharciyada Somalia, hase yeeshee aysan dhici doonin inay Somalia ka raali noqoto.

Geesta kale, Somalia ayuu sheegay in wali ay diyaar u tahay inay la hadasho dowlada Imaaraadka carabta si xal loo gaaro, isla markaana dib loo soo celsho wadahadalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com