Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in ay hoos u dhacday kaalmadii iyo deeqihii ay Dowladda Federaalka ka heli jirtay caalamka, isaga oo shaaciyay cadadka lacagta ay beesha caalamka ka goosatay Soomaaliya.
Wasiir Biixi ayaa qiray in sanadihii 2025 iyo 2024 ay si weyn hoos ugu dhaceen deeqihii ka imaanayay caalamka, isla markaana loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin gudaha ah oo lagu xoojinayo isku tiirsanaanta Soomaaliya.
“Labadii sano ee ugu dambeysay kaalmada soo gasha Soomaaliya 25% ayay hoos u dhacday, wayna kasii badaneysaa sanadba sanadka ka dambeeya. Waa lama huraan qorshe gudaha ah inaan yeelano oo isku tiirsanaan ah oo laga maarmayo deeqaha dunida,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in dalalka beesha caalamka ay goosteen lacag dhan 450 illaa 600 milyan oo dollar, taas oo saameyn ku yeelatay howlaha muhiimka ah ee dowladda, gaar ahaan arrimaha bulshada iyo amniga.
“Waxaan ka hadleynaa sanadkii 450 milyan, illaa 600 oo milyan oo dalka soo geli jirtay oo meesha ka baxaysa,” ayuu mar kale yiri Wasiir Biixi Iimaan Cige.
Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Qeybaha u badan ee ay saameynta ugu wayn ugu yeelaneysaa waa Sector-ka Social-ka sida caafimaadka, waxbarashada, arrimaha la xiriira security-ga iyo arrimaha bani’aadanimada”.
Hadalka Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda ay wajahaysa caqabado dhaqaale oo ay ka mid yihiin hoos u dhaca deeqaha dibadda iyo baahida loo qabo in la helo ilo dhaqaale oo gudaha ah, si loo sii wado adeegyada muhiimka ah iyo hawlaha dowladda.
Soomaaliya ayaa muddo ka badan labaatan sano si weyn ugu tiirsaneyd deeqaha iyo kaalmada ee beesha caalamka, si loo maalgeliyo adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, gargaarka bani’aadannimada iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda.

