DF oo shaacisay go’aan la xiriira howl-galka AUSSOM

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Balcad) ayaa sheegay in howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uusan deg-deg uga baxayn dalka, uuna sii socon doono illaa laba sano, xilli uu wajahayo caqabado la xiriira maalgelinta.

Wasiiru-dowluhu ayaa sheegay in shirka ay ka qeyb-galayaan madaxda dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya, wasiirrada gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada uu diiradda saari doono sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha dhaqaale ee soo wajahay howl-galka AUSSOM, isla markaana loo sii wadi lahaa taageerada amniga Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in howl-galka AUSSOM uu ku tiirsan yahay laba tiir oo waaweyn oo kala ah gunnooyinka ciidamada iyo adeegyada saadka, kuwaas oo ay ku jiraan gaadiidka, caafimaadka, qalabka iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah howlgalka.

Cali Balcad ayaa xusay in walaaca ugu weyn uu ka dhashay dib u eegista uu Mareykanku ku wado taageerada uu siiyo qaar ka mid ah howl-galada caalamiga ah, taas oo uu sheegay inay dhalisay in la qiimeeyo qaabab cusub oo lagu sii wadi karo maalgelinta howlgalka, ama loo diyaariyo qorshe kale oo lagu maareeyo haddii ay isbeddello dhacaan.

“Waa muhiim in la fahmo in xitaa haddii ay yaraato ama ay hakato taageerada dhaqaale, ciidamada AUSSOM aysan Soomaaliya hal mar uga bixi karin. Ka bixitaankoodu wuxuu u baahan yahay qorshe kala-guur ah oo qaadan kara hal sano illaa sanad iyo bar, si si nidaamsan ay uga baxaan, ugana daad-gureystaan qalabkooda,” ayuu yiri wasiiru-dowluhu.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay shirka la tageyso qorshe cad oo lagu doonayo in muddo laba sano gudahood ah ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka. Qorshahaasi ayuu sheegay inuu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda dowladda ee lagu dhisayo ciidan qaran oo isku filan.

Wasiiru-dowlaha ayaa tilmaamay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay hore ula wareegeen goobo badan oo ay maamuli jireen ciidamada Midowga Afrika, isla markaana qorshuhu yahay in si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo goobaha harsan, iyadoo la ilaalinayo xasilloonida amniga.

Isagoo ka hadlayay awoodda ciidamada Soomaaliyeed, Cali Balcad wuxuu sheegay in ciidamada qaranku ay maanta yihiin kuwa hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, halka ciidamada AUSSOM ay inta badan ku sugan yihiin saldhigyada waaweyn iyo goobaha istaraatiijiga ah ee ay ka geystaan taageero iyo sugidda amniga.

Gunnooyinka ciidamada ayaa waxaa muddo dheer maalgelin jiray Midowga Yurub, halka adeegyada saadka iyo taageerada farsamada ay bixin jirtay Qaramada Midoobay iyadoo loo marayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Hadallada wasiiru-dowlaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan mustaqbalka howl-galka AUSSOM, kaddib caqabado dhaqaale oo soo wajahay howlgalka iyo dib u eegista ay qaar ka mid ah dalalka deeq-bixiyeyaasha ah ku wadaan taageeradooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in hadafkeedu yahay in ciidamada qaranku si buuxda ula wareegaan amniga dalka, iyadoo AUSSOM uu door taageero ka sii qaadanayo inta lagu jiro marxaladda kala-guurka.

- Advertisement -

Read more

Local News