Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay sababta wali u hirgeli la’yahay qorshaha ciidamada Masar loogu soo daabulayo Soomaaliya, iyadoo sheegtay in caqabadda ugu weyn ay tahay maalgelinta, saadka iyo dhammeystirka habraacyada hawlgalka ee howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad)ayaa sheegay in Masar ay weli diyaar u tahay inay ciidamadeeda ka mid noqdaan Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), isla markaana dib-u-dhaca uusan la xiriirin isbeddel ku yimid mowqifka Qaahira.
“Masar waxay si cad u muujisay inay diyaar u tahay inay ciidamadeeda soo dirto,” ayuu Cali Balcad u sheegay wargeyska Sacuudiga ka soo baxa ee Asharq Al-Awsat, wareysi la daabacay Axaddii.
Waxa uu tusaale u soo qaatay booqasho uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu tagay ciidamo Masaari ah oo loo diyaarinayey howlgalka Soomaaliya, isagoo taas ku tilmaamay caddeyn muujineysa in Qaahira ay weli ka go’an tahay qorshaha.
“Dhibaatadu ma aha in Masar aysan lahayn go’aan siyaasadeed ama diyaar-garow,” ayuu yiri.
Wasiiru Dowlaha ayaa sheegay in ciidamada Masar lagu soo daabulayo Soomaaliya iyadoo la raacayo qorshayaasha ay ku heshiiyeen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, kuwaas oo ay ku jiraan jadwalka kala wareejinta ciidamada, saadka iyo shuruudaha kale ee hawlgalka.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dhibaatada dhaqaale ee haysata AUSSOM ay qayb ka tahay waxyaabaha hakiyey qorshaha, isagoo sheegay in Soomaaliya ay dooneyso in arrimaha harsan sida ugu dhaqsaha badan loo dhammeystiro.
Qorshe muddo dheer hakad ku jira
Masar waxay ka mid tahay dalalka loo xushay inay ciidamo ku biiriyaan AUSSOM, oo billowgii 2025 beddelay howlgalkii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Qorshayaasha Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in 1,091 askari oo Masaari ah ay Soomaaliya yimaadaan, kuwaas oo qayb ka noqonaya dib-u-habeyn lagu sameynayo qaab-dhismeedka ciidamada AUSSOM, xilli ciidamada Burundi laga saarayo howlgalka.
Midowga Afrika ayaa bishii Febraayo mar kale xaqiijiyey in Masar diyaar u tahay inay ciidamo ku biiriso howlgalka, wuxuuna ku baaqay in la dedejiyo imaatinkooda iyadoo dhinaca kale la dhameystirayo bixitaanka ciidamada Burundi iyo cutub boolis ah oo ka socda Ghana.
Diyaar-garowga ciidamada Masar ayaa socday muddo ka badan hal sano, balse ilaa hadda ciidamadii loo qorsheeyey Soomaaliya ma aysan soo gaarin.
Imaatinka ciidamada Masar ayaa sii xoojinaya xiriirka amni iyo milatari ee u dhexeeya Muqdisho iyo Qaahira, kaas oo sanadihii dambe si weyn u kordhay. Masar waxay Soomaaliya siisay taageero militari iyo tababbar, iyadoo labada dowladood ay sidoo kale xoojiyeen xiriirkooda siyaasadeed.
Marka ay yimaadaan, ciidamada Masar ayaa la filayaa inay la shaqeeyaan cutubyada kale ee AUSSOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, isla markaana ay qayb ka qaataan qorshaha tartiib-tartiib masuuliyadda amniga loogu wareejinayo hay’adaha amniga Soomaaliya.
Dhaqaale yari haysata AUSSOM
Dib-u-dhaca ciidamada Masar ayaa kusoo aadaya iyadoo AUSSOM muddo la tacaalaysay hubanti la’aan ku saabsan sida loo maalgelinayo howlgalkeeda.
Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada saadka ee Qaramada Midoobay, oo ay ka mid yihiin raashinka, shidaalka, diyaaradaha, daad-gureynta caafimaadka, gaadiidka iyo adeegyo kale oo muhiim u ah ciidamada ka howlgala Soomaaliya.
Sanad-maaliyadeedka 2025-2026, AUSSOM waxay u baahnayd ku dhowaad 190 milyan oo dollar oo loogu talagalay lacagaha ciidamada dalalka ku deeqay, hase yeeshee Midowga Afrika wuxuu xaqiijiyey oo keliya qiyaastii 120 milyan oo dollar oo ballanqaadyo ah.
Dhibaatada maalgelinta ayaa kasii dartay kadib markii Mareykanka uu muujiyey inuusan taageeri doonin sii wadista nidaamka Qaramada Midoobay ee lagu maalgeliyo taageerada saadka AUSSOM wixii ka dambeeya dhammaadka 2026.
Midowga Afrika ayaa marar badan ku baaqay in howlgalka Soomaaliya loo helo dhaqaale joogto ah oo la isku halleyn karo, isagoo ka digay in maalgelin la’aantu dhaawici karto awoodda AUSSOM ee ay ku sii waddo howlgalkeeda.
Arrimahan ayaa dhacaya xilli ciidamada AUSSOM ay weli taageerayaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, halka dowladda federaalka ay isku dayeyso inay si tartiib ah ula wareegto masuuliyadda buuxda ee amniga dalka.

