DF oo si weyn u kordhisay tababarada ciidamada cusub iyo afar gobol oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dardar-gelisay qorista dhallinyaro cusub oo lagu biirinayo ciidamada kala duwan ee dalka, iyadoo isu diyaarineysa in ciidamada Soomaaliyeed ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga marka la dhimo ama la soo afjaro howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Qorista ciidamada cusub ayaa ka socota gobolka Banaadir iyo maamullada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, iyadoo dhallinyarada la qorayo lagu biirinayo ciidanka xoogga, booliska iyo hay’adaha kale ee amniga qaranka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxda sare ee dowladda iyo hoggaanka ciidamada ayaa mudnaan siinaya diyaarinta ciidan cusub oo xoojiya awoodda amni ee dalka, isla markaana la wareega waajibaadka ay hadda qayb ahaan gutaan ciidamada Midowga Afrika.

Xeryaha lagu tababaro ciidamada cusub oo ku kala yaalla Muqdisho iyo qaybo kamid ah gobollada dalka ayaa waxaa booqday mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan iyo xubno kale oo u kuur-galaya tababarrada iyo diyaar-garowga dhallinyarada la qoray.

Qorshaha dowladda ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in sannadka 2027 wax laga beddelo joogitaanka ciidamada AUSSOM ee Soomaaliya, iyadoo ay suuragal tahay in tiradooda la dhimo ama qaybo kamid ah dalka laga saaro. Tallaabooyinka hadda socda ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka ka hor isbeddelkaas.

Marka la barbar dhigo sannadihii hore, ciidamada dowladda ayaa haysta fursado dheeraad ah oo la xiriira tababarrada, qalabka milatari iyo taageerada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya. Taageeradaasi waxay muhiim u tahay qorshaha lagu dhisayo ciidan awood u leh inuu si madax-bannaan u sugo amniga dalka.

Qorista ciidamada ayaa la xiriirta fursadaha ay dowladda ka heshay dhinaca qalabka iyo taageerada amni, gaar ahaan kaddib markii laga qaaday cunaqabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya, taas oo u sahashay inay hesho qalab milatari oo dheeraad ah.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale dooneysa inay xoojiso awoodda ciidamadeeda si ay u sugto amniga xarumaha dowladda, hay’adaha qaranka iyo madaxda sare, iyadoo yareyneysa ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye.

Si kastaba, guusha qorshahan waxay ku xirnaan doontaa tayada tababarka, helitaanka hub iyo saanad ku filan, joogtaynta mushaharka ciidamada iyo awoodda dowladda ee ay ku maareyn karto mas’uuliyadda amniga marka la dhimo taageerada Midowga Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News