Dowlada oo soo bandhigtay saraakiil Al-Shabaab ka tirsanaa oo isa-soo dhiibay

Guriceel (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku soo dhiibeen saraakiil ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab..

Saraakiisha ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay isku soo dhiibeen ciidanka dowladda ee howl-gala Aaga u dhexeeya Guriceel iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Xubnaha isisoo dhiibay ayaa la sheegay in lagu wareejiyey Madaxda Barnaamijka qaran ee dhaqan celinta maleeshiyadka DRP ee Galmudug.

Saraakiishaan oo lagu kala magacaabo Maxamed Nuur Bare iyo Mowliid Cumar faarax  (Ciro) ayaa sheegay in ay ka tanaasuleen Al-Shabaab, iyagoo Codsaday in la cafiyo.

Sidoo kale saraakiisha soo goostay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay la dagaallamaan Al-Shabaab isla markaasna ay qeyb ka noqdaan qorshaha Al-Shabaab looga saarayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Labadaan xubnood ee ka soo goostay kooxda Al-Shabaab ayaa xusey in kadib markii ay arkeen dhibaatada iyo xasuuqa kooxdaasi ku heyso Shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay isaga soo baxaan.

Gaashaanle sare Cabdulaahi Cabdi Raage oo ka tirsan saraakiisha NISA ee Galmudug iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Maxamed Cartan ” Gasaawe” oo qayb ka ah saraakiisha Qaybta 21-aad oo soo dhaweeyay xubnahan Al-shabaab kasoo tagey ayaa sheegey in ragaan ay xiriir lasoo sameeyeen saraakiisha ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay inay isisoo dhiibaan.

Ciidamada xoogga iyo kuwa Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka waday deegaano hoostaga maamulka Galmudug, iyagoona la wareegay goobo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen.

Howlgalka ugu xooggan ayaa wuxuu ka socdaa Gobolka Mudug, halkaas oo Al-Shabaab laga saaray deegaano  dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen bilooyinkii ugu dambeeyey, waxayna ciidamada Dowladda ku wajahan yihiin Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.