DF oo soo saartay go’aan lagu joojiyey in Kenya ay duqeyn dambe ka fuliso Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay duqeymaha cirka ah ee ciidamada Kenya ka fuliyaan qeybo kamid ah dalka, oo maanta la mamnuucay.

Wasiir Dubbe ayaa markale ku celiyay in dowladda ay cambaareyneyso duqeymaha joogtada ah ee ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka Kenya ee lagu dilo laguna dhaawaco dadka rayidka ah ee ku nool Soomaaliya.

Dubbe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay marnaba u dulqaadan doonin khasaaraha bulshada rayidka ah kasoo gaaraya duqeymaha Kenya, isagoona shaaciyey in dowladda ay mamnuucday in duqeymahaas dowladda Kenay ay fuliso amar la’aan.

“Dowladda Kenya maanta laga bilaabo ciidamada cirka ee Kenya duqeyn kasta oo ay geysanayaan waa inay kusoo wargeliyaan Taliska guud ee AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya, iyaga oo aan kusoo wargelin ma fulin karaan wax duqeymo ah, kumana soo xad-gudbi karaan xuduuda,” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku mamnuucayso duulimaadyada Kenya ayaa kusoo aadaya, toddobaad kadib markii ay dowladda si adag u cambaareysay duqeymaha Kenya ee Soomaaliya, kuwaasi oo toddobaadkii lasoo dhaafay khasaaro u geystay dad rayid ah.

Kenya ayaa 3-dii Juun 2021 weerar cirka oo aan loo aabbo yeelin ka fulisay deegaanada Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo, Jubaland State, islamarkaana sababay dhimashada iyo naafaynta dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, kuwaasi oo banaanka u soo saaray astaan ​​aan fiicnayn oo ah hannaanka hawlgalka ee ciidamada cirka ee Kenya.