DF oo tallaabo ka qaadaysa ‘siyaasiyiin garab siinaya dadka damaca uu kaga jiro badda’

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabtay in ay tilaabo ka qaadi doonto shaqsiyaad ay ku eedeysay in ay waddaan falal lidi ku ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya.

Warkaan ayaa kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya waxaana lagu sheegay in dadkaasi si adag loola xisaabtami doono. Warka laguma shaacin Magacyadda Shaqsiyaadka Soomaalida ah ee kasoo horjeedda Qadiyadda Soomaaliya.

Si kastaba waxaa warqadda kasoo baxday wasaaradda ayaa lagu sheegay in shaqsiyaadka ay ku jiraan mas’uuliyiin hore oo dalalka xilal uga soo qabtay iyo siyaasiin aan xilal hayn.

Shaqsiyaadkan ayaa la sheegay inay ku lug leeyihiin garabsiinta dad uu damac kaga jiro dhulka iyo badad Soomaaliyeed.

Hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday dowladda

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah