DF oo war ka soo saartay dagaalka dadka shacabka iyo Al-Shabab ee Sh/Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka u dhaxeeya dadka Shacabka iyo Al-Shabaab ee maalmahaan ka socday deegaano ka tirsan Sh/Dhexe.

Indha-qarshe, ayaa sheegay inay la socdaan dagaalka iyo khasaaraha ka dhasha waxa uuna tilmaamay inay qaadayan talaabo lagu taageerayo shacabka dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Waxa uu Indha-qarshe sheegay in Taliska ciidamada xoogga dalka uu qabo dareen ku aadan colaada shacabkaasi kala dhexeysa Al-Shabaab waxa uuna ku dhawaaqay inay garab siinayaan dadka Sh/Dhexe.

Indha-qarshe, waxa uu sheegay in DFS ay ka faa’iideysaneyso kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ku gacan siiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Indha-qarshe, waxa uu sheegay in dhankooda ay ka go’an tahay in sanadkaan iyo kan soo socda gudihiisa ay Al-Shabaab ka saaraan guud ahaan dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale General Indha Qarshe ayaa wuxuu ka hadlay hawlgalada ka soconaya qeybo ka mid ah bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, kaasi oo qorshihiisa uu yahay sidii la isugu furi lahaa wadooyinka ay xireen ururka Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com