Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xarunta Ururka 163-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee magaalada Gaalkacyo.
Booqashada ayaa qeyb ka ahayd kormeer ay mas’uuliyiintu ku sameynayeen howlaha ciidamada iyo xaaladda xarunta, iyadoo ay indha-indheeyeen heerka diyaar-garowga ciidamada iyo howlaha amni ee ay ka wadaan deegaanka.
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulan la yeeshay saraakiisha iyo ciidamada xarunta, iyagoo kala hadlay muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay joogteeyaan diyaar-garowgooda iyo gudashada waajibaadka loo igmaday.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ciidamada kula dardaarmay xoojinta wada shaqeynta iyo isku-xirka cutubyada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka, si loo adkeeyo amniga loona ilaaliyo shacabka Soomaaliyeed.
Booqashada ayaa sidoo kale fursad u siisay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka inay si dhow ugu kuur galaan xaaladda ciidamada ka howlgala deegaanka iyo baahiyaha xarunta.
Saraakiisha Ururka 163-aad ayaa wasiirka iyo taliyaha uga warbixiyay howlaha ay ciidamada ka wadaan deegaanka iyo waajibaadka loo igmaday, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay gudashada waajibaadkooda qaran.
Kormeerkan ayaa kusoo aadaya xilli ay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay xoogga saarayaan qiimeynta diyaar-garowga ciidamada iyo xoojinta howlaha lagu sugayo amniga deegaanada ay ka howlgalaan cutubyada ciidanka.

















