DF Somalia oo farriin u dirtay ISIS iyo Al-Shabab

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo ah Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Somalia, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay burburka iminka ku imaaday maleeshiyaadka Al-shabaab iyo dhalashada Kooxda Daacishta Somalia oo ka faracantay Al-shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan burburka ka dhex curtay maleeshiyaadka Al-shabaab waxa uuna dhanka kale sheegay in DF ay ka gaashaamaneyso xoogeysiga Daacishta Somalia.

Diini waxa uu sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in Daacishta Somalia ay ku xoogeystaan Somalia, waxa uuna carabka ku dhuftay in talaabo waliba oo kaga imaada dhanka Daacish ay DF wakhti hore ka gaashaamatay.

Diini waxa uu sheegay in Somalia aysan u ogolaan doonin in laga hirgaliyo fakirka Daacish, waxa uuna tilmaamay in ciribtirka Daacish ay iska kaashan doonaan shacabka iyo DFS.

”Awooda Daacishta Somalia kama shaqeyn doonto. Somalia ma aha Syria iyo Ciraaq, ma filaayo in Daacish ay kusii nagaan doonto tuullo kamid ah Somalia”

”Argagixiso dhamaanteeda waa isku mid DF marka la eego la dagaalankeeda Al-shabaab iyo Daacish waxa ay ka aaminsan tahay hal luqad oo ah qori caaradiisa gacmaha kama laaban doono dhaqdhaqaaqyada Daacish ee xarumahooda ayaan ugu tageynaa inta aysan soo gaarin goobaha kale”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Somalia aysan u dulqaadan doonin in xiligaani iyo wixii ka danbeeya ay noqoto meel lagu tijaabiyo Hubka iyo fakirada qaldan, waxa uuna carabka ku dhuftay in Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladduba ay heegan uga jiraan ka hortaga Kooxaha taageersan Ururka Daacish.

Waxa uu ku hanjabay in Daacishta Somalia iyo Al-shabaab uu uga caano maali doono awooda Ciidamada Xooga dalka oo uu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo.

Docdakale, Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa waxuu hoosta ka xariiqay in guulo la taaban karo ay Ciidamada Dowladda ka gaareen Dagaalladii ay la galeen maleeshiyaadka Al-shabaab islamarkaana ay ka saareen Degaano iyo Degmooyin badan oo ka tirsan Gobolada Dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com