Islamabad (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis cusub oo dhanka iskaashiga difaaca ah lasoo gashay dowladda Pakistaan, kaas oo lagu tilmaamay is-fagarad taariikhi ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa ah mid lagu xoojinayo wada shaqeynta dhinacyada difaaca iyo amniga, iyada oo sidoo kale lagu horumarinayo awoodda ciidamada.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa maanta kala saxiixday Is-afgarad Iskaashi oo u dhexeeya labada Wasaaradood ee Gaashaandhigga, kaas oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta awoodaha ciidamada,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Heshiiska oo ka dhacay magaalada Islamabad ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Pakistan isaga oo hoggaaminaya wafdiga Dowladda Federraalka, halka Pakistaan uu saxiixay Wasiirka Difaaca, Mudane Khawaja Muhammad Asif.
Sida ku cad warsaxaafadeedka is-afgaradkan ayaa dhigaya in labada dhinac ay iska kaashadaan la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada, is-weydaarsiga khibradaha, aqoonta milatari, kobcinta awoodaha difaaca iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga.
Sidoo kale ujeedada ugu wayn ee heshiiska ayaa lagu sheegay in lagu xoojinayo taageerada dadaallada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu saxiixa is-afgaradkan muujinayaa sida ay Soomaaliya iyo Pakistan uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda istaraatiijiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, isagoo saldhig u noqonaya wada-shaqeyn wax ku ool ah oo u adeegta danaha labada dhinac.
Dowladda Federaalka ayaa horay sidaan oo kale heshiisyo difaac ula soo gashay dalalka Turkiga, Masar iyo waddamo kale oo saaxib la ah Soomaaliya.


