DF Soomaaliya ‘oo maamul cusub u dhisaysa Galmudug’

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa dowladda federaalka ee Soomaaliya ku eedeeyey inay qorsheeneyso inay maamul cusub ku dul dhisto, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka labada dhinac.

Arrintan ayaa waxaa sheegay Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug, Maxamuud Aadan Cismaan Masagawaa, oo ka qeyb-galay barnaamij ay qabatay idaacadda BBC.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay jaratay dhaqaalihii ay siin jirtay maamulkaas, si ay cadaadiska ugu xoojiso.

“Waxaan ku baaqnay in madaxda dowladda Federaalku inay faragalinta ka daayaan arrimaha hoose ee Galmudug, oo aad wada ogtihiin inay aad ugu mashquulsan yihiin inay dowlad labaad ka sameeyaan meel kamid ah Galmudug dhexdeeda iyo in ugu dambeyn ay fasaxaan dhaqaalaha ka xayiran Galmudug”, ayuu yri Wasiir Masagawaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay xiriir la leedahay oo ay gacan siiso madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamanka Galmudug, oo kasoo horjeeda madaxweyne Xaaf.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maareeye oo isna BBC la hadlay ayaa beeniyey eedda Galmudug, wuxuuna ku eedeeyey hoggaanka maamulkaas inay isku dayayaan inay waqtiga kororsadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com