Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa shaaciyay in Itoobiya ay heli karto marin la isku halayn karo oo ay badda uga soo gasho Soomaaliya.
Cali Balcad ayaa sheegay in arrintaas lagu gaari karo heshiisyo ganacsi oo labada dal faa’iido u leh, iyadoo lagu fulinayo awoodda iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha oo wareysi siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu ku salaysan yahay bayaankii Ankara ee labada dal ay kala saxiixdeen sanadkii 2024, kaas oo labada dhinac ku waajibinaya inay ixtiraamaan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
“Heshiiskaasi waa saldhigga xiriirka labada dal,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha, isagoo sidoo kale sheegay in is-afgaradkii ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen uusan hadda lahayn muhiimad weyn.
Balcad ayaa tilmaamay in natiijada wada-hadalladii Ankara ay muujinayso in baahida Addis Ababa ee marin-badeed lagu xallin karo waddo ganacsi iyo diblomaasiyadeed, halkii loo adeegsan lahaa heshiisyo ay Muqdisho u aragto inay wax u dhimayaan madax-bannaanideeda.
Sidoo kale wuxuu sheegay inuusan u arkin muhiim in waqti badan lagu bixiyo doodda ku saabsan xaaladda is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland, isagoo tilmaamay in bayaanka Ankara iyo wada-xaajoodyada cusub ay yihiin qaabka hadda lagu wajahayo arrinta marin-badeedka Itoobiya.
Cali Balcad ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay Itoobiya kala shaqeyn karto sidii loo heli lahaa xal ku saabsan baahideeda marin-badeed, kaasi oo ku imaanaya wada-hadal iyo heshiis labada dhinac ah oo ixtiraamaya madax-bannaanida Soomaaliya.
Si kastaba, hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland uu weli yahay arrin xasaasi ah oo saameyn ku leh xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo Muqdisho ay ku adkeysanayso in heshiis kasta oo la xiriira marin-badeedka Addis Ababa lagu gaaro iyadoo Soomaaliya ay qayb ka tahay.

