DF Somalia oo ka hadashay cida lagu dilay weerarkii J/Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay weerarkii cirka ahaa ee ka dhacay degmada Saakow iyo deegaano kale oo hoostaga Jubbadda Dhexe.

Dowladu waxa ay sheegtay in duqeyntaasi laga fuliyay dhowr deegaan oo ay kuwada sugnaayen Hogaamiyayaasha iyo dagaalyahaanada maleeshiyada Al-shabaab.

Weerarkaani ayaa waxaa dowlada uga hadlay Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia oo sheegtay in weerarkaasi lagu fuliyay saddex goobood oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, laguna beegsaday Ururka Al Shabaab.

Qoraalka ay dowlada, gaar ahaan wasaarada Gaashandhiga kasoo saartay weerarka ayaa waxaa lagu yiri:

”Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Danab ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay Degmada Sunguuni ee Gobolka Jubadda Dhexe. Waxayna ku burburiyeen saldhig Al Shabaab iyo isbaaro ay ku qaadi jireen lacago sharci darro ah. Degmada Sunguuni ayaa ah mid istiraatiiji u ah Al Shabaab, waxayna dhanka waqooyi ka xigtaa Webiga Jubba.”

”Sidoo kale hawgalka laga sameeyey Degmada Jilib, gaar ahaan tuuladda hargeysa Yarey ayaa lagu gubay gaadidka dagaalka, waxaana lagu dilay tiro maleshiyaad ah oo ka tirsan Al Shabaab.”

”Hawgaladan oo ahaa mid is daba-joog ah ayaa laga sameeyay Degmadda Saakow oo saldhig wayn u ah cadowga umadda Soomaliyeed, waxaana lagu dilay horjooge muhim ah oo dib laga faah faahin doono, waxaana lagu soo qabtay hub iyo saanad ciidan.”

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadka kooxda Al Shabaab, iyadoo maantana aysan jirin goob ay kalsooni ku joogaan oo mar walba weeraro qorsheysan lagu qaadi doona dalkana laga sifeynayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com