DF oo xabsi dhigtay taliye ka tirsan ciidanka NISA oo ku kacay fal aan fiicneyn

Baydhabo (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xabsi la dhigay Taliyaha Nabad-sugida Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Nuur Xasan Buule.

Taliyaha ayaa lasoo sheegayaa in ciidamo badan oo isku dhaf ah ay hooygiisa kala baxeen kadib amar kasoo baxay maamulka Gobolka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Somalia oo ka hadlaayay xariga Taliyaha ayaa sheegay in lala xiray dhowr askari oo xiliga xariga isku dayay inay bad-baadiyaan Taliyaha.

Cali Xasan Ibraahim Cali Dheere, oo ah Taliyaha Booliska degmada Waajid isla markaana ka hadlaayay xariga ayaa sheegay in Taliyaha Xarigiisa uu yahay mid xabsi guri ah.

Cali Xasan, waxa uu intaa ku daray in sababta xariga Taliyaha Nabad-sugida Degmada Waajid uu yahay in loo heysto isku dhac dhexmaray Ciidamo uu watay iyo ciidamada Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed oo ku guda jiray howlgal roondo ah.

“Kiiska xariga Taliyaha waxa uu iminka gaaray meel fog,waayo rasaasta ay rideen ciidamadiisa waxa ay geysteen dhibaato’’

Isku dhaca loo xiray Taliyaha Nabad-sugida degmada Waajid ayaa waxaa ku dhintay illaa 2 Askari halka mid kalena uu ku dhaawacmay, waxaana falkaasi lagu sheegay mid aad u xun.

Dhinaca kale, talaabada lagu xiray Taliyaha ayaa  khilaaf ka dhex abuurtay maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com