AL-SHABAAB oo shacab ku leysay weerar culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaari ay la socdeen Maleeshiyaad hubeysnaa ayaa rasaas ooda uga qaaday Ciidamo iyo dad shacab ah oo ku sugnaa degmadaasi Baladxaawo.

Gaariga ayaa la sheegayaa inay wateen Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo qalqal galiyay magaalada Baladxaawo, waxaana la sheegayaa in gaarigaasi noociisu uu ahaa Suzukia.

Ciidamada iyo dadka rasaasta la huwiyay ayaa ku sugnaa barta koontarool ee laga soo galo degmada Baladxaawo.
Ciidamada iyo shacabka ayaa xiligaasi ku sugnaa maqaaxi ku tiilay koontaroolka waxaana halkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Khasaaraha guud ahaan ee ka dhashay weerarkaasi ayaa gaareysa dhimashada 6 ruux iyo dhaawaca 12 qof.

Seddex kamid ah dadka dhintay ayaa ahaa Askarta dowladda Federaalka Soomaaliya halka kuwa kale ay yihiin dad shacab ahaa oo ku sugnaa meelaha la rasaaseeyay.

Gaariga loo adeegsaday weerarka ee Rasaasta furay ayaa la sheegay in uu ahaa gaari dhawaan ay ka afduubteen Gobolka Gedo oo qaad siday.

Dhanka kale, wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga markii uu falkaas fuliyay kadib isagoo baxsad ah uu ku rogmaday duleedka degmada Baladxaawo walow aan la soo warin hadii khasaaro uu ka dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com