28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 2, 2025

DHAGEYSO: Baarlamanka oo go’aan ka gaari doono khilaafka madaxda DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online ) Xildhibana Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaakna Somalia kana hadashay khilaafkan soo kala dhexgalay mudanayaasha baarlamaanka Somalia waxay sheegtay inay baarlamaanku arintan go’aan ka gaari doonan .

Waxay sheegtay inay ka xunyihiin khilaafkan mas’uuliyinta dalka inkastoo qaab dadban ay u weerartay ra’isul wasaaraaha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

‘Xukuumada Somalia hal sano ayay jirtaa wax qabadkeeda iyo wax qabad la’anteeda waa mid u taalaa baarlamaanka Soamlia iyaga ayana kala cadeyn doona mida khilaafkana xalkeeda waan ku guda jirtaa” ayay tiri Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Waxay sheegtay in madaxweynaha Somalia uu heerka uu iminka joogo uu ku yimd rabitaanka Baarlamaanka Somalia , waxaana ay tilmaamay in uu ku dhaartay inuu soo dhisi doono xukuumad wax qabad leh balse uu soo dhisay xukuumadan ra’isul wasaare saacid

” Madaxweynaha wuxuu doonayaa in la helo xukuumad wanaagsan oo talo leh anigu madhaliilayo mida iminka jirto hadana Madaxweynaha Shalay isagaa Saacid keenay ” ayay hadalkeeda Sii raacisay .

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ra’isul wasaare Saacid ku amray inuu xilka isaga dego kadib markii ay isku qabteen qaabka loo soo dhisayo wasiirada ka mid noqonayo xukuumada Cusub.

Halkaan Hoose ka dhageyso Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye

Xildhibaan Qadiijo Maxamed Diiriye

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News