25.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Dhageyso beesha Abgaal oo ku dhawaaqday go’aan ka dhan ah hub ka dhigista Xamar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Abgaal ayaa shaaca ka qaaday in hadda iyo wixii ka dambeeya ay kasoo horjeedo howlgalka xaslinta Muqdisho, sababo la xiriira taliyaha ciidamada xaslinta Muqdisho Maxamed Abuukar Jacfar, oo ay ku eedeeyeen inuu qabiil isku rogay, inkasta oo aysan caddeyn meesha uu Jacfar ku yeeshay hadal qabyaalad ku dheehan yahay.

Beeshan ayaa ka carrootay hadal weli aan la xaqiijin meel uu ku yiri oo loo tiriyey Maxamed Abuukar Jacfar, guddoomiyihii hore ee degmada Howlwadaag, oo ah inuu dalbaday in tallaabo laga qaadayo Askartii ka dambeysay dilka allaha u naxariistee taliye ku xigeenkii hore ee Nabad Sugida Gobolka Banaadir Ciise Jiijiile.

Hadalkan Jacfar loo tiriyey oo ay Caasimada Online raadisay ayaan weli noo suurta-galin inaan helno, waxaana macquul ah inuu yahay war suuqeed xasarad abuuray.

Nabadoon Xasan Cali Maxamuud oo ka mid odayaasha beesha Abgaal, ayaa sheegay in Howlgalka Xasilinta Caasimadda Muqdisho oo Saraakiisha horkaceysa uu ka mid yahay Maxamed Abuukar Jacfar intii lagu guda jiray beelweynta Abgaal Cismaan looga dilay 13 Askari, islamarkaana aysan marna ka hadlin iyagoo tix galinayay dowladda Cusub in ay gudato waajibaadkeeda qaran.

Si kastaba ayay tiri beesha inaan marnaba loo dul qaadan karin hadalka ay sheegeen inuu ka soo yeeray taliyaha howlgalka xasilinta caasimadda ee gobolka Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar.

Sidaas daraadeed ayuu Iclaamiyay in inta Jacfar uu horkacayo howlgalkaas aan qof dambe oo beesha Abgaal Cismaan ka tirsan aan hub laga qaadi doonin, maadaama sida uu hadalka u dhigay Maxamed Abuukar Jacfar uu ku hadlay Afqabiil sida uu yiri, dowladdana looga baahan yahay in ay bedesho.

Hoos ka dhageyso  go’aanada beesha Abgaal

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News