Dhageyso: Cabdi C/llaahi: Al-Shabaab Bishan waynu ka saareyna Gedo

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Baardheere (Caasimada online) Cabdi C/laahi Joon oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka Gedo, ayaa sheegay in Maalama Soo aadan ay qorsheynayaan in deegaanada ay shabaabku ka joogaan Gobolkaas weeraro ay ku qaadaan sida uu sheegay.

Wuxuu sheegay in Degmooyinka Buur dhuubo iyo Baar dheere oo labaduba ka tirsan gobolka Gedo isla markaana ay ku xoogan yihiin al-shabaab  ay sida ugu dhaqsiyaha badan kula wareegi doonaan sida uu tilmaamay .

Sarkaalkan ayaa sheegay in inta lagu guda jiro Bishan Octobar ay guud ahaan Deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Gedo kala wareegi doonaan al-shabaab  sida uu hadalka u dhigay.

Al-shabaab ayuu ku tilmaamay inay yihiin kuwo dhibaato ku hayaan Shacabka Gobolka isla-markaana iyaga oo kaashanaya Shacabka ay doonayaan in Talada iyo Hogaanka Gobolka ay la wareegaan.

Ururka Al-shabaab ayaa ku xoogan degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka gado , waxaana saraakiisha dowlada Soomaaliiya ee gobolkaasi ay  tilmaamayaan in Bartamaha Bishan ay la wareegi doonaan Guud ahaan inta gobolkaasi gacanta dowlada ka maqan ,

ma jiro wax war aah oo kasoo baxay dhanka al-shabaab oo ku aadan arintan .

Halkaan hoose Ka dhageyso Codka Sarkaalka

Cod

Caasimada online

Xafiiska Baardheere

Caasimada@live.com