Dhageyso: Dadaallo lagu sii daynayo Mukhtaar Roobow oo ka socda MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay dadaallo kala duwan oo la doonaayo in lagu sii daayo Wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, sida ay sheegtay idaacadda Risaala ee Muqdisho.

Roobow ayaa ku xiran Magaalada Muqdisho, waxaana soo xiray dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dib markii uu Baydhabo ka bilaabay Olole ku aadan Musharaxnimadiisa xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Roobow ayaa hadda ku xiran Muqdisho, waxaana soo xiristiisa ka dhashay Banaanbaxyo ay ku dhinten dad badan,kuwaasoo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in wada-hadallo ay u socdaan madaxda sare ee dowladda iyo siyaasiyiinta dowladda ugu jira beesha Digil iyo Mirifle ee uu kasoo jeedo Roobow.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay Caasimada Online la xiriirtay ayaa sheegay inaysan ka war-hayn qorshe lagu sii daynayo Roobow oo go’aan laga gaaray, balse waxa qireen inuu jiro dadaalka ay wadaan siyaasiyiinta ku beesha ah.

Hoos ka dhageyso warbixinta idaacadda Risaala

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com