28.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

DHAGEYSO: Dil MUQDISHO ka dhacay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Maamulka degmada Xamarweyne ayaa ka hadlay dil loo adeegsaday aalada Tooreyda oo ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Maxamed Xersi Xasan, xoghayaha degmada Xamarweyne oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in falkaasi uu ka dhacay goob degmada ka tirsan laguna dilay ruux kale, kadib markii muran uu kala dhexgalay ruux la dilay iyo ruux kale.

Sidoo kale xoghayaha ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan waxyaabaha keenay inay labada ruux ay murmaan, sidoo kalana la xiray dad kale oo looga shakiyay inay falka ku lu lahaayeen.

Meydka ruuxa la dilay oo lagu qiyaasay 40 sano jir ayaa la geeyay saldhiga degmada walow markii dambe la geeyay xarunta dambi baarista ee CID-da, sida xoghayaha degmada uu sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News