Diyaarad Helicopter oo Madaxweyne Xasan ka dajisay Muqdisho, Sabab?

Muqdisho (Caasimada online) Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisiii Socdaalka ku tagay Magaalada Marko ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib Socdaal hal maalin qaatay oo uu ku joogay Magaaladaasi ,

Diyaarad Helicopter  oo ka amba baxday Muqdisho, ayaa sida la sheegay Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxay kasoo qaaday deegaanka  Ceel jaale, oo ku dhaw Buufoow, oo ah halka Shabaab ay shalay sheegeen in wafdigii Madaxweynaha ay ku weerareen .

Warar  hoose oo aan heleyno waxay sheegayaan in arintan ay ka dambeysay ka gadaal markii laga war helay in rag shabaab ka tirsan ay xalay soo buux dhaafiyeen magaalada uu martida ku ahaa madaxweynaha Soomaaliya ee Marko.

Dadka deeganka ayaa sida la tilmaamay waxay saraakiisha amniga u sheegeen in rag badan oo shabaab ah ay habeenimadii xalay ah ay soo buux dhaafiyeen Magaalada , waxaana saaka ciidamada amnigu ay bilaabeen inay xaafadaha kala duwan ee magaalada ay isku dagaamaan taas oo ugu dambeyn keentay in madaxweynaha laga soo amba bixiyo Marko dibna uu ugu soo laabto Muqdisho.

C/kariin xuseen Guuleed , wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya oo qeyb ka ahaa wafdigii socdaalka Madaxweynah ku wehliyay oo saxaafadda kula hadlay garoonka Diyaaradaha Muqdisho kadib markii ay soo caga dhigatay  Diyaaradii siday madaxweynaha Soomaaliya ka warbixiyay imaatinkooda Muqdisho.

Wuxuu sheegay in muddo kooban ay soo joogeen Magaalada Xarunta u ah ee Marko ujeedka halkaasi ay u tageyna ay aheyd sidii ay ugu kuur gali lahaayeen xaalada gobolka Shableeha Hoose , kaas oo dhan waliba leh iyo inay soo xuurnsadaan waxgaradka iyo maamulka gobolkaas .

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaminayo ayaa shalay waxay gaareen magaalada Marko ee xaunta gobolkaas iyadoona Maamulka Magaalada Martida loo ahaa uu xaqiijiyay in Madaxweynuhu uu la joogayo Seddex maalin inkastoo iminka uu dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Halkaan  hoose ka dhageyso Coka Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya

Halkaan ka Dhageyso Cod wasiirka arrimaha gudaha

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com