25.8 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

DHAGEYSO: Jubaland oo maamul loo dhan yahay ku xirtay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Dooda ugu weyn ee dowladda Somalia ay ku diiday Jubaland, ayaa ahayd in maamulkaasi aysan u dhameyn dhammaan beelaha dega gobollada Jubooyinka.

Ayada oo hadda ay Addis-Ababa ka socdaan wada hadallo arrintaas xal loogu raadinayo, ayaa Jubaland waxa ay markii ugu horeysay ay qiratay in maamulkaas uu yahay mid aan loo dhameyn.

Wareysi uu aad ugu carrooday oo uu siiyey idaacad ku taalla magaaada Muqdisho, ayaa ku simaha madaxweynaha Jubaland Macallin Ibraahim Maxmuud, waxa uu si cad ugu sheegay in Jubaland ay tahay mid aan loo dhameyn.

Waxa uu sheegay in haddii Dowladda Somalia ay dooneyso in Jubaland ay noqoto mid ay ku dhan yihiin dhammaan beelaha Soomaaliyeed, marka hore ay taasi kasoo billowdo magaalada Muqdisho.

“Kismaayo waxa ay la mid tahay Muqdisho, haddii Dowladda ay dooneyso in Jubaland ay noqoto mid loo dhan yahay, ha kasoo billowdo Muqdisho marka hore, waan ognahay in maamulka Muqdisho lagu koobay beesha madaxweynaha” ayuu yiri Macalin Maxamed.

Waxa uu sidoo kale ku gacan seeray dalabyada ah in Dowladda Somalia lagu areejiyo gacan ku heynta garoonka iyo dekedda magaalada Kismaayo.

“Haddii dekedda iyo garoonka ay Dowladda naga wareejiso, yey ku wareejineysaa, innagu miyeynan ahayn Somalia, oo dalka xaq ku leh” ayuu yiri.

Halkan ka dhageyso wareysiga oo dhan

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News