Dhageyso: Mid kamid ah Ururada S/L oo taageeray weerarkii West Gate

Hargeysa (Caasimada online) Ururka Xisbulaah ee ka dhisan deeganada maamulka Soomaaliland ayaa si an gambasho laheyn wuxuu u taageeray weeerarkii dagaal yahanoh Shabaab ka tirsa ay ku qaadeen dartii ganacsiga ee Westgate mall .

Guddoomiyaha Ururka Xisbulaahi ee deeganada Soomaaliland Sheekh Maxamuud C/laahi Geele, ayaa Sahaaciyay  in shisheeyaha hadii uu soo galo taako kamid ah dal muslimiin ah jihaadka uu yahay mid fardu cayn ah sida uu sheegay.

Wuxuu sheegay in nlaga doonayo in qof waliba oo islaanimo iyo Soomalinimo sheegayano inuu ka dhiidhiyo dagaalka Soomaliya iminka ka jira sida uu sheegay ee Lagu doonayo in lagu gumeysto .

Isagoo Dufaacaya Shabaab ayuu sheegay inay iska dhiciyaan cadawgooda sida uu sheegay isla markaana wuxuu sheegay inay u taagan yihiin kor u qaadinta Diinta Islaamka sida uu shaaca ka qaaday

Haladkan wuxuu imanaya xilli Culima Badan oo ku sugan dal iyo Dibad oo Soomaali ah ay kasoo horjesteen weerarkii Westage.

Dhageyso Sheekh Geelle

Caasimada online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com