28.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Dhageyso: Nicholas Kay oo caddeeyey mowqifkiisa ku aadan R/W Cabdi Weli

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Copenhagen  (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay ayaa markii ugu horeysay ka hadlay in beesha caalamku ay kasoo horjeedo mooshinka ka dhanka ah Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh.

Ergayga Gaarka ah Nickolas Kay oo waraysi dhinacyo badan taabanayey siiyey Laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in taasi tahay mid sax ah ayna door bidayaan midnimo,xasilooni iyo waxqabad taasoo uu u sababeeyey in wakhti uusan harin xiligaan.

“Waa sax waxa aan door bideyno waxa weeye midnimo, xasilooni iyo waxqabad sababtu waxa weeye ayuu yiri wakhti maharin sida hadda ka hor aragnayna Isbadel lagu sameeyo Ra”sul wasaaruhu waxay qaadataa waanwaan socota bilooo ku saabsan Dowladda cusub” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya uusan wakhti ka go’in ,waxa uu yiri labada dhinacanagu midna ma raaceyno dhinaca keliya aan taageereyno waxa uu yiri horumarka iyo in horumar degdeg ah laga sameeyo nabada iyo dhismaha dowladnimada.

“Mana naga go’ wakhtigaasi sidaasi darteen iyadoo la eegayo hiigsiga sanadka 2016-ka xasilooni,midnimo,waxqabad ayaa ah xalka ugu wanaagsan sida cadna hay’adihii dawladu waa dhisanyihiin” ayuu yiri

Sidoo kale,wuxuu xusay iney aaminsanyihiin iney ka mideysanyihiin walaaca ay ka qabaan saameynta khilaafka uu ku yeelan karo horumarka dhismaha wadanka iyo nabada iyo weliba hiigsiga 2016.

“Beesha caalamka ilaa haatan aad ayey uga mideysanyihiin arrintan ,qaramada midoobey waxay si dhow ula shaqeyneysay ayuu yiri wadamada iyo hay’adaha kale sida mIdowga Yurub,IGAD iyo Mdiowga afrika” ayuu yiri.

Halkan ka dhageyso Nicholas KAy

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News