Muqdisho (Caasimada Online)-Sheekh Aadan Sunni oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ee kasoo jeeda magaalada Hargeysa ayaa weerar afka ah ku qaaday maamulka DDSI.
Wadaadka oo ka hadlaayay dhibta uu maamulka ku hayo dadka shacabka ayaa waxa uu sheegay in maamulkaasi uu yahay kuwo si gaara ay ugu adeegato dowlada Ethiopia.
Hogaamiyaha maamulka DDSI Cabdi Iley ayuu sheegay inuu u taagan yahay iibinta dhalinyarada kasoo jeeda dhulka maamulka iyo in loo adeegsado ciribtirka dadkiisa.
Waxa uu sheekh Aadan Sunni sheegay in Cabdi Iley ay la dhacsan tahay dowlada Ethiopia maadaama uu ka shaqeynaayo danaheeda, waxa uuna tusaale u soo qaatay sababta looga qaadi la’ yahay xilka.
Khudbada Sheekh Aadan oo u muuqata mid daba socta Khudbad uu Cabdi Iley uga hadlaayay arrinta Qalbi Dhagax ayaa sheegay in Cabdi Iley uu ku hingoobay qorshihiisa.
HOOS KA DHAGEYSO HADDALKA SHEEKH AADAN SUNNI

