Muqdisho (Caasimada online) Taliska ciidanka Booliiska Gobalka Shabeelaha hoose ayaa ka hadlay ammaanka Gobalka Shabeelaha hoose iyo isbaarooyin lagu tuhunsanaa inay halkaasi yaalaan kuwaas oo qaar kood la sheegay in dib loogu soo celiyay gbolka kadib markii laqaaday.
Taliyaha qeybta Booliiska Gobalka shabeelaha hoose Cabdi Ibraahim Shaamoow (Cabdi dheere) ayaa sheegay in ammaanka Gobalka Shabeelaha hoose uu yahay mid wanaagsan oo aan dhibaato ka jirin xilligan sida uu sheegay isla-markaana wax dhibaato aysan ka jirin gobolka.
Wuxuu si cad beeniyey in mar kale isbaarooyin lasoo dhigay deegaanada Buufoow,baar ismaaciil ilaa km50 ee gobolka Sh/hoose, waxaana uu shaaca ka qaaday in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah sida uu sheegayna uusan garaneyn halka laga keenay.
Sidoo kale Wuxuu sheegay in ciidanka Dowladda ka tirsan ee qoryaha ku dhexwadan jiray Afgooye laga mamnuucay inay hubka ku dhexqaataan amarna lagu siiyay inay dib ugu noqdaan xerooyinkooda.
Maal mihii ugu dambeeyay waxaa soo if baxayay warar sheegayay in isbaarooyin lagu soo cilyay wadad xiriirisa Muqdisho ilaa Marko inta u dhexeysan waxaana arintaas cabasho ka muujinayay qaar ka mid ah wadayasha gaadiidka ee isticmaala Wadaasi.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka Taliyaha
Halkaan ka dhageyso Cabdi Ibraahim Shaamoow (Cabdi dheere)
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

