Dhageyso: Uhuru Kenyatta oo ka digay in dhacdada Westgat la buun buuniyo

Nairobi (Caasimada online)  Madaxweyha dalka Kenya Uhuru Kenyata oo Shir jaraa’id ku qabtay  magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaaa wuxuu si kulal uga warbixyay weerar kooxo hubeyan ay ku qabsadeen xarunta Westgat oo ah goob ganacsi oo ku taala magaaladaas.

Kenyata wuxuu sheegay weerarkaas uu sababay dhimashay dad ka badan 59-ruux iyo sidoo kale dhaawacyada in ka badan 120 –ruux .

Wuxuu sheegay inuu u mahad celiyan madaxda dalalka Africa sida ay dhambaalada iyo tacsiyadaha ku aadan weerarkan ay ugu soo dirayeen, isagoo sheegay in arintan ay tahay mid musiibo ah .

Wuxuu ka digay  in arintan lagu baaahiyo aaladaha Bulshda caalamku ay ku xiriiraan  ee Facebook-ga iyo sidoo kale Skype-ga taas oo uu sheegay inay xaalada sii xumeyn karto .

Dalka Kenya ayuu tilmamay inay ku nool yihiin dad badan oo Diimo kala duwan heysta isla markaana dalal kala duwan kasoo kala jeeda, waxana uu sheegay inay muhiimada 1-aad ay tahay in nabad lagu wada noolaado.

Madaxweyne Kenyata oo hadalkiia sii watay wuxuu shaaciyay in raga weerarka geystay aya aahyeen kuwo ma naxayaal ah waxaana uu si kulul digniin adag ugu diray Shabaab oo mas’uuliyada weerarkaas geystay .

Si kaso wali waxaa cakiran xaalka xarunta Westgat halkaas oo wali ay qeybta sare ay ku sugan yihiin kooxihii shalay weeraray , waxaana dadkii ugu horeeyay ee Westgat lagu dilo ka mid ahaa Yaasiin Xirsi oo ahaa wiil dhalinyaro Somali ah iyo Gabar Hindi Muslin ah oo maanta dalkaasi lagu aasay.

Halkaan hoose ka dhageyso codka kenyata

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com