Waare oo sheegay sababta isbedallada loogu sameeyo HIIRAAN + Dhageyso

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay sababta mar kasto isbedallada loogu sameeyo maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Waare ayaa tilmaamay in arrintan ay saldhig u tahay maamul xumo uu sheegay inay ka jirto gobolkaasi.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay inuu cudur ku jira gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa intaasi raaciyey in loo baahan yahay in wadatashi guud laga sameeyo xaaladda Hiiraan iyo sidii loo hormarin lahaa.

Saddexdii sano ee ay jirtay HirShabelle waxaa gobolkan isku bedalay in ka badan 6 guddoomiye oo uu mid kasto xafiiska joogay muddo yar.

Guddoomiyihii ugu dambeeyey oo ahaa Yuusfuf Dabageed ayaa shalay si rasmi ah xilka ugu wareejiyey guddoomiyaha cusub.

Dabageed ayaa muddo diidanaa inuu xilka wareejiyo, waxaana dagaal ka dhashay xiisadaasi ku dhintay taliyihii booliska gobolka Hiiraan Marxuum Maxamed Macow.

Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

 

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne