DHAGEYSO: Xog ku saabsan dagaalka HIIRAAN

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay dagaal xoogan uu ka dhacay magaaladaasi  kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Alshabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Alshabaab weerar ay ku qaadeen xaafad ka tirsan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sida maamulka degmada ay xaqiijiyeen.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow, ayaa sheegay in dagaalka degmada uu ka bilowday abaaro 09:00 pm ee xalay uuna socday muddo kooban, sida uu hadalka u dhigay.

Alshabaabka soo weeraray degmada ayuu sheegay iney iska caabin kala kulmeen ciidamada dowlada Soomaaliya oo markii dambe ka saaray Alshabaab xaafada ay weerarka ka geysteen.

Wuxuu sheegay in dhalinyaro ku sugnaa xaafada weerarka ka dhacay ay waxyeelo badan kasoo gaareen weerarka Alshabaab ka geysteen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com