Xarumaha degmooyinka oo lagu jaray dhagxaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad loo adkeeyay guud ahaan amniga Xarumaha degmooyinka Gobolka Banadir kadib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday degmooyinka qaar.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa todobaadkan iyo midkii ka horeeyay weeraro ismiidaamin ah ku qaday xarumaha degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag.

Qaar kamid ah xarumaha Degmooyinka ayaa saacadihii ugu danbeeyay la sheegay in la dhigay dhagaxaan iyo biro waa weyn, halka qaarna la jaray wadooyinka gala.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xarumaha geeyay ciidamo dheeri ah kuwaa oo ku jira feejignaan dhanka ammaanka ah.

Sidoo kale, waxaa yaraaday dadka shacabka ahaa ee adeegga u doonan jiray xarumaha degmooyinka iyaga oo ka cabsi qaba weeraro ka dhaca xarumaha.

Weerarkii labaad oo ismiidaamin ah ayaa waxa uu todobaad gudihiisa shalay ka dhacay xarunta degmada Hodan, halka weerarkii hore uu ka dhacay degmada Howlwadaag.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraradooda ugu badan ka geysta goobaha ay ku kulmaan dadka shacabka ah, waxa ayna taasi mugdi galisay ujeedada dagaal ee Kooxda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com