Dhaqdhaaqyo DAGAAL oo ka socda Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in saakay halkaas ay ka ambabaxeen ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOm kuwaasoo ku wajahan qayb ka mid ah Jubbada dhexe oo ay ku sugan Al-Shabaab.

Ciidamada ka tagay Kismaayo oo wata baabuurta dagaalka ayaa la sheegay in ay ku wajan yihiin deegmada Jilib iyo deeganka Buulo-Guduud oo dhammaan ka tirsan gobalka Jubbada dhexe.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya oo la hadlay Radio Kismaayo ayaa sheegay in ay ku wajan yihiin deegannaada ay kaga harsan yihiin gobalka Jubbada Hoose iyo degmooyinka ka tirsan gobalka Jubbada dhexe.

Dhinaca kale, dad ku sugan Jilib oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay Al-Shabaab in ay dhaqaaqyo dagaal ay ka wadaan goobaha lagu soo wajahyahay, waxaana dadka ay ku amreen in ay ka qayb qaataan dagaalada lagula jiro waxa ay ugu yeereen cadowga islaamka.

Waxaa aad u yer saakay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee labada gobal, waxaana laga cabsi qabaa in markasta uu qarxo dagaal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com