Dib u dhac ku yimid shirka Dhuusamareeb + Sababta

Dhuusamareeb (Caasimda Online) – Waxaa maanta dib u dhac ku yimid shirkii madaxda maamul goboleedyada oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkaasi oo maanta ka furmi lahaa Dhuusamareeb, ayaa u baaqday kadib markii madaxda maamulada dalku ay isla qaateen inay maanta u noqoto ‘nasiimo’, maadama ay qaarkood shalay tageen magaaladaasi goor dambe.

Kulamo gaar gaar ah ayay Madaxdu yeelan doonaan maanta, iyadoo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor uu qado sharaf u sameyn doono wafuuda ay hoggaaminayaan Madaxda Puntland, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa la ciir ciireysa wafuudii ugu badneyd ee ay horkacayaan Madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiin waxaa si aad ah loo adkeeyay amniga magaalada.

Shirka madaxda maamul goboleedyada oo uu marti-gelinayo maamulka Galmudug ayaa si rasmi ah u furmi doona maalinta berri oo Sabti ah.

Waxaana shirkaasi diirada lagu saari doona doorashada dalka ee 2020/2021, iyaga oo meel adag iska taagi doona muddo kordhin la sheegay inay wado madaxtooyada Soomaalya.

Sidoo kale waxa shirkaasi lagu lafo guri doona xiriirka hoos u dhacay ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada iyo weliba xiisada ka dhex aloosneed muddooyinkii u dambeeyay.

Waxaana lagu wadaa in shirkaasi laga soo saaro go’aamo xasaasiya oo ku aadan doorashooyinka, mowqifka ay ka taaganyihiin maamulada dalku iyo arrimo kale oo xiligan taagan.