Dibadbaxyo lagu dalbanayo caruurtii la geeyey Eritrea oo maalinkii labaad dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ka socda dibad-baxyo ballaaran oo lagu dalbanayo in dalka dib loogu soo celiyo askartii loo qaaday dalka Eritrea, kadib markii ay soo baxday in laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Dibad-baxa maanta oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa dhigayey waalidiinta ay ka maqan-yihiin wiilashaasi iyo dadweyne kale, wuxuuna ka dhacay isla goobtii shalay ee isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Dibad-baxayaasha ayaa ku qelinayey erayo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwo kale oo ay ku cabariyeen dareenkooda, sida ilmihii Eritrea loo qaaday aaway? “inta dhimatay maahinee inta kale hala bad-baadiyo,” iyo erayo kale.

Qaar ka mid ah waalidiinta oo la hadlay warbaahinta, iyaga oo ilmeynayey ayaa ka dalbaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inuu ka hadlo arrintan, si ay helaan xogta rasmiga ah ee ku aadan xaaladda ay ku sugan yihiin dhalinyarada la geeyey Eritrea.

Walaaca waalidiintan ayaa sii kordhay, kadib markii Qaramada Midoobay ay shaacisay in askar Soomaaliyeed ay ka qeyb-qaateen dagaalkii ka dhacay waqooyiga dalka Itoobiya, kuwaasi oo markii hore dalka looga qaaday in la geynayo Qatar balse laga dejiyay Eritrea ogaal la’aantood.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa mucaaradka ayaa sidoo kale iyaguna si adag uga hadlay arrintan, iyaga oo shaaca ka qaaday in la iibsaday caruurtaasi, isla-markaana ay mas’uuliyadda qaadi doonaan madaxda muddo xileedkoodu dhammaaday ee dowladda, oo ugu horeeyo madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday.

Dhinaca kale, ma jiro cadeyn rasmi ah oo kasoo baxday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aadan xaaladda dhalinyaradaasi, marka laga imaado wasiirka warfaafinta oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho uu sheegay in askartaas ay u socdaan tobabaro.

Si kastaba, askarta loo qaaday dalka Eritera ayaa maqan muddo labo sano ah, waxaana marba marka ka dambeysa isa soo taraya walaaca laga muujinayo xaaladda dhalinyaradaasi, oo qaarkood ay kasoo baxsadeen xeryihii ay ku jireen.