SAWIRRO Al-shabaab oo soo bandhigtay Meydadka Ciidamo ka tirsanaa DF

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaadka xagjirka ah ee Al-shabaab ayaa maanta meel fagaaro ah kusoo bandhigtay tirro meydadka Ciidamada Militeriga ah ee Somalia.

Ciidamada Meydadkooda lasoo bandhigay ayaa kamid ahaa Ciidamadii xalay lagu laayay dagaalkii ka dhacay gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Somalia.

Maleeshiyaadka ayaa Ciidamadaani u galay wadad xili ay kusii jeeden deegaanada dhaca duleedka degmada Ceelbuur.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Meydadka 6 askari oo ka tirsanaa Dowlada lagu arkay duleedka Ceelbuur iyadoona dhammaan hubkii ay wateen uu u gacan galay Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamadaani laga dilay DF Somalia ayaa gudaha asbuucii tagay la geeyay degmada Ceelbuur waxayna tababaro kusoo qaateen degmada B/weyne ee gobolka Hiiraan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
alshabaab1

alshabaab2

alshabaab3

alshabaab4

alshabaab5

alshabaab6

alshabaab7