Diyaarad ay leeyihiin militariga Itoobiya oo ku dhacday Bakool

Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya inay halkaas maanta ku dhacday diyaarad ay leeyihiin ciidamada Militariga Itoobiya.

Sida ay xaqiijiyeen ilo dhanka ammaanka ah, diyaaradda Militariga Itoobiya oo nooceedu yahay  kuwa sida qumaatiga ah u kaca ee loo yaqaan “Helicopter” ayaa kusoo dhacday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Xudur.

Diyaaradda soo dhacday ayaa waxaa la xaqiijiyey inay sahay u siday ciidamada Milatariga Itoobiya ee qeybta ka ah howgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Saraakiisha ammaanka ayaa dhankooda sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay, marka laga reebo in diyaaradda burbur kooban soo gaaray.

Diyaaradda soo dhacday ayaa waxaa la dhigay qeyb kamid ah Garoonka Diyaaradaha Magaalada Xudur, waxaana lagu bilaabay dib u habayn..

Garoonka ay diyaaradda kusoo dhacday ee Magaalada Xudur ayaa hadda dib u bilaabay shaqadiisa sida ay Caasimadda Online u sheegeen qaar ka tirsan shaqaalaha Garoonka oo codsaday inaan magacyadooda la xusin sababo dhanka amniga ah.

Saraakiisha Ciidanka Itoobiya ma sheegin sababta keentay burburka diyaaradda ka soo dhacday magaaladda Xudur, mana jiro war kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo looga hadlay arrintaan.