Diyaarad ka timid Turkiga oo sidda dhaqaatiir iyo daawo oo timid Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad sidda gurmad deg deg ah oo ka timid dalka Turkiga.

Diyaaradaan ayaa waxa ay keentay dhaqaatiir iyo sidoo kale daawooyin loogu talagalay in lagu baxnaaniyo dadkii shalay ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu ugu horreeyo wasiirka warfaafinta, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa wafdigaan iyo dhaqaatiirta ka socota Turkiga ku soo dhoweeyey garoonka caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in diyaaraddaan ay la socdaan illaa iyo 24 dhaqtar oo ka qeyb qaadan doono daawaynta dhaawacyada qaraxii shalay.

Sidoo kale wuuxuu xaqiijiyey in ay diyaaraddu ay qaadi doonto qaar ka mid ah dhaawacyada daran ee ku jira isbitaallada Caasimada.

Weerarkii ismiidaamiinta ee shalay oo ay ku dhinteen dad fara badan, kuna dhaawacmeen kuwa kale ayaa waxaa weli socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay oo hadda ku jira isbitaallada Muqdisho.

Dadka dhintay sidoo kale waxaa ka mid ahaa Injineero Turki ah, kuwaas oo qaraxu haleelay, xilli ay marayeen isgoyska Ex-Koontarool Afgooye.