Diyaarado duqeeyay sarkaal sare oo Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in deegaano gobolkaasi ka tirsan ay ka dhaceen duqeymo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Duqeynta xoogeeda ayaa waxaa lasoo warinayaa inay ka dhaceen deegaan lagu Magacaabo Baladul Amiin oo hoostagta degmada Wanlaweyn halkaasi oo la sheegay inuu shir uga socday Saraakiil ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Deegaanka la duqeeyay ee Baladul Amiin ayaa qiyaastii 30 KM u jira degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna dadka deegaanka soo sheegayaan in dhowr gantaal lagu dhuftay ilaa 4 saldhig oo ay ku sugnaayen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Mid kamid ah 4 Saldhig ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ka socday shir degdeg ahaa oo ay wada qaadanayeen Saraakiisha Al-shabaab, kaasi oo looga hadlaayay arrinta Daacish oo ay Kooxdu ku kala qeybsantay.

Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn Xaaji Isaaq Caliyow Maamow ayaa xaqiijiyay duqeynta waxa uuna sheegay in diyaaradahaasi ay duqeynta la bartilmaameysteen Saldhigyo ay Kooxda ku shireysay.

Warar hoose oo Caasimada Online ay ka heshay Saraakiisha amaanka Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay ilaa 10 Saraakiil ka tirsan Al-shabaab iyo dagaalyahaano ilaalo u ahaa.

Si dhab ah looma xaqiijinkaro Khasaaraha rasmiga ah, inkastoo wararka ay sheegayaan in Maleeshiyaadka Al-shabaab ay jareen dhamaan wadooyinka gala Baladul Amiin oo hoostaga degmada Wanlaweyn si aan loo ogaan Khasaarahooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com