DAACISHTA Somalia oo duqeymo lagu billaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Jubada Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ay duqeyn xoogan ka geysteen deegaano hoostaga Jubada Hoose.

Duqeymaha ayaa lala beegsaday ilaa 2 Saldhig ay maleeshiyada Al-shabaab ku lahaayen Degaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Diyaaradaha ayaa beegsaday labo Degaan oo lagu kala magacaabo Yaraa-lafagari iyo Diif oo ka wada tirsan Gobolka Jubada Hoose waxaana xiliga duqeynta halkaasi ku sugnaa Xubno ka mid ah Maleeshiyaadka Al-shabaab gaar ahaan kuwa taageersan Kooxda Daacish.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in mudadii yareyd oo duqeynta soctay ay ku sugnaan waayen deegaanadooda Jugta duqeynta awgeed.

Saraakiisha DFS ee ka howlgasha Gobolkaasi ayaa sheegay in duqeynta ay aheyd mid lala bartilmaameystay Saldhigyadii danta laga lahaa, waxa ayna cadeeyen in duqeynta laga gaaray dantii laga lahaa laguna dilay Horjoogayaal ka tirsan garabka Daacishta Somalia.

Dhinaca kale, Waxaan Ilaa iyo hada jirin wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee lahaa fulinta weerarkan xaga cirka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com