Duqeynmo culus oo caawa lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayen madaxda Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo lixaad leh goordhow ka geysteen Gobolka Shabeelaha Hoose.

Diyaaradaha oo tan iyo galabnimadii maanta dul heehaabayay Hawada Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhowr gantaal ku garaacay Saldhig ay Maleeshiyada Alshabaab ku lahaayen Deegaanka Kuunyo Barow ee Gobolka Shabeelaha Hoose, oo saraakiil sare ay ku sugnaayeen.

Duqeynta ayaa la soo warinayaa inay aheyd mid culus waxa ayna dadka deegaanka soo warinayaan in xiliga duqeynta ay dhaceysay ay Maleeshiyaad Alshabaab ka tirsan kulan ku lahaayen deegaanka Kuunyo Barow.

Mid kamid ah gantaalada lagu duqeeyay deegaankaasi ayaa ku dhacay banaanka tuulada, halka mid kalane uu ku dhacay meel u dhow garaash ku yaalla tuulada.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday Saldhiga weyn ee Maleeshiyada ay ku leedahay Deegaanka Kuunyo Barow, kaasi oo la tilmaamay inay waxyeelo kasoo gaartay Kooxda.

Dhanka kale, duqeyntaani ayaa imaaneysa xili 10 malamood ka hor diyaarado dagaal ay duqeyn ku dileen 8 ka mid ah mintidiinta Al-Shabaab kaasi oo ay fuliyeen diyaarado aanay cidna wadin oo ka dhacay deegaanka Baladul Ami, oo 120 Km waqooyi galbeed ka xiga magaalad Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com