Diyaarado duqeymo culus ka fuliyay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in duqeymo diyaaradeed ay ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Diyaaradahaasi ayaa la sheegayaa in gantaalo dhowr ah ay ku dhufteen deegaano ay kamid yihiin Yasooman , Ceeldheer iyo Ceel lahelay oo dhamaantooda la tilmaamay inay ku yaalan fariisimo ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Duqeyntaani ayaa waxaa xaqiijiyay mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee ka howlgasha Gobolka Hiiraan xili uu u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho.

Sargaalkaasi oo lagu magacaabo Max’ed Cumar Aadan Gaduudow ayaa sheegay in duqeymaha ay ahaayen kuwo is xigxigay islamarkaana lagu bartilmaameysanaayay Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in duqeyntaasi ay Maleeshiyada kasoo gaartay Khasaaro kala duwan, waxa uuna tilmaamay in duqeynta ay kusoo aaday xili ay Al-shabaab isku uruursanayeen deegaanadaasi.

Ma uusan cadeyn heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha iyo tirada Saraakiil ee Maleeshiyada Al-shabaab looga dilay duqeyntaasi, balse waxa uu carab dhabay in khasaare xoogan uu jiro.

Maleeshiyada Al-shabaab kama aysan hadal wali weerarkaasi cirka ee lagu qaaday xarumahooda, waxaana lasoo warinayaa in deegaanada lagu duqeeyay ay ka bilaaben dhaqdhaqaaq ciidan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com