Doorashada madaxweyne ee K/Galbeed oo dib u dhac kale looga cabsi qabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa walaac xoogan ka muujinaya inay waqtiga loo qabtay ay ku dhacdo doorashada Koofur Galbeed.

Mushariixinta ayaa qaarkood waxay sheegeen inay ka walaacsan yihiin in dib u dhac uu ku yimaado doorashada madaxtinimada oo 28-ka bishaan loo balansan yahay inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Isqabqabsiga iyo Khilaafka guddiga doorashada ayaa Walaaca ugu badan geliyay Musharixiinta Koofur Galbeed, waxaana ay sheegeen inay ka baqayaan in arimahaasi dartood dib u dhac ku yimaado markale doorashada.

Musharax Xasan Ibraahim ayaa sheegay in aysan socon shaqooyinka saxda ahaa ee laga doonayay guddiga doorashada Koofur Galbeed, taasina ay sii kordhisay walaaca ay ka qabaan in doorashada ay dib u dhacdo.

Ilaa iyo hadda lama bilaabin diiwaan gelinta Musharixiinta Koofur Galbeed, sidoo kalana lama soo saarin jadwalka rasmiga ah ee doorashada, iyadoo taa badalkeeda arimo kale lagu mashquulsan yahay, sida uu sheegay Musharaxa.

Walaaca musharixiinta ay qabaan ayuu ku sheegay inay qeyb ka tahay in doorashada ay kaga shaki qabaan in laga dhigo Sanadka cusub ee 2019, taasina ay caqabad ku tahay horumarka Koofur Galbeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ku dhaliilay iney kaalin ka qaadatay dib u dhaca doorashadan, sidoo kalena ay waddo ineysan doorashada si xalaal ah u dhicin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com