Doorashada kuraas kamid ah G/Shacabka oo Gaalkacyo lagu qabtay – Yaa soo baxay?

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada labaad ee Galmudug.

Doorashada ayaa waxaa lagu bilaabay kuraasta HOP#013 iyo HOP#101 ee Golaha Shacabka.

Kursiga HOP#013 waxaa ku soo baxay Aadan Cismaan Xuseen (Qoryooley) oo ah wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Galmuudg.

Qoryooley ayaa sidoo kale aad ugu dhow Villa Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii isku howlay dhex-dhexaadinta madaxweynaha iyo ra’isuul wasaaraha.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#101 waxaa ku guuleystay Xersi Aadan Rooble, kaas oo helay 88 cod, sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee Galmudug.

Kursiga saddexaad ee HOPP#001 waxaa kusoo baxday Jawaahir Maxamed Axmed oo loo qaaday cod gacan taag ah, waxayna heshay 101 cod oo ah dhammaan ergada.

Kursiga Afaraad ee Hopp#017 oo ay ku fadhisay dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiday Duniyo Maxamed Cali, balse waxaa ku guuleysatay Qaladla Cali Cawaale kadib markii uu tanaasulay musharrixii la tartami lahaa, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay ay heshay 79 cod oo ah kooramka ergada fadhisay.

Waxaa weli dhicin doorashada kursiga HOPP#60 oo ay u fadhisay Ubax Tahliil Warsame, waxaana laga yaabaa in doorashada kursigaan dib loo dhigo kadib markii ay Ubax diiday inay soo gasho hoolka doorashada.