Ethiopia oo war cad kasoo saartay xariga xubnaha maamulkii CABDI ILEY

Addis Ababa (Caasimada Online)  – Dowlada Ethiopia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xariga Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ka tirsanaa maamulkii uu Hogaaminaayay madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo ku jira xabsi ku yaala dalka Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in xariga Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ciidamada DDSI uu yahay mid loo maray wado sharci ah.

Zeyinu Jemal, oo ah Taliyaha ciidamada Booliska Ethiopia oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in hadda ay xiranyihiin 6 xubnood oo ka mid ah kuwa ugu sareeyay maamulkii hore.

Taliyaha Booliska dalka Ethiopia ayaa  sheegay in mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha xiran ay yihiin kuwo galay danbi heer Qaran isla markaana ay mari doonaan sharciga.

Waxa uu Taliyaha sheegay inay jiraan Mas’uuliyiin iyo Saraakiil kale oo lagu hayo baaritaan ku aadan kiisas loo heysto.

Waxaa uu Taliye Zeyinu Jemal, sheegay in Booliska ay baaritaan ku wadaan madaxda dhalinyaro uu sameeyay Cabdi Maxamuud Cumar, kuwaas oo ay Booliska ku eedeynayaan in ay ka dambeeyeen rabshadihii ka dhacay Jigjiga.

Sidoo kale, Taliyuhu waxa uu xusay in uu baaritaan ku socdo madaxda Ururka dhallinyarada ee la baxay Heego, kuwaas oo uu Cabdi Maxamuud Cumar abaabulay inta aysan rabshadaha billaaban.

Geesta kale, Taliyaha ayaa cod dheer ku sheegay in wixii kasoo baxaa baaritaanka socda ay dib ula wadaagi doonaan madaxda maamulka DDSI.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

Caasimada@live.com