Dowlada Kenya oo bilowday QORSHE ay ciidamadeeda ugala baxeyso Soomaaliya

Avatar

Nairobi (Caasimada Online) – Sida uu qoray wargeyska Daily Nation, dowladda dalka Kenya ayaa wada qorshe ay ciidankeeda u gala baxeyso Soomaaliya, kuwaas oo ka howlgala gobollada Jubbooyinka, kuna jooga magaca AMISOM.

Daily Nation, oo soo xiganaya ilo sirdoon, ayaa sheegay in dowladdu ay qaadatay go’aan ay kula baxeyso ciidamadeeda ka jooga gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay dhowaan billaabeyso wada-hadallo arrintaas ku saabsan.

Sidoo kale wargeysku waxa uu tilmaamay in wadahadaladan ay garwadeen ka nqon doonto Monica Juma oo ah wasiirka difaaca Kenya, iyada oo madaxda midowga Afrika arrinkaasi kala xaajoon doonto.

Wada xaajoodkaan ayaa la sheegay in ujeedkiisu uu yahay in la soo afjaro sideed sanno oo ciidamada Kenya ay ku sugnaayeen gudaha Soomaaliya, iyaga oo ku joogay magaca AMISOM.

Waxaana Kenya ay aaminsantahay in haddii ciidankeeda ay la baxdo in ay yaraan doonaan weerarada uga yimaada Al shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya gudaha u soo galay sanadkii 2011-kii, balse waxay 2012-kii si rasmi ah uga mid noqdeen howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Kenya ayaa sidoo kale tan markii ay ciidamadeeda soo galeen Soomaaliya wajaheysay dhibaatooyin amni, gaar ahaan weeraro uga imaanayey dagaalyahannada Al-Shabaab.

Arrintaan ayaa hadda ku soo beegmeyso, iyadoo uu mad madow siyaasadeed haatan u dhexeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo weli isku haya arrimo la xariira kiiska Badda ee horyaalla maxkamadda caaladda ee ICJ.