DOWLADDA DHEXE iyo dhagar saddex geesood ah

Sannaddu waa 2006. Rajo ayaa soo muuqatay ah in Soomaaliya nidaam hesho. Si rajadaas looga hortago, gacan shisheeye ayaa waxay maal-gelisay abuuridda Iskaashiga Dib-u-soo-nooleynta Nabadda iyo La-dagaallanka Argagixisada (Allience for the Restoration of Peace and Counter-Terrorists — oo ku magac dheeraa “Shahaado la dirir”). Waxaa Iskaashigaas ku bahoobay rag dagaal-oogayaal u badnaa. Dhagartoodii waxaa ka hor tegay maxkamidihii oo garabsanayo shacabka illaa uu Iskaashigu fashilmay, madaxdoodana ay noqdeen qaar baxsaday iyo qaar is dhiibay.

Sannaddu waa 2018. Shan maamul-goboleedyo ayaa sameeyay ururka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada. Ma hubo in uu shisheeye maal-geliyay, hayeeshee qorshaha ay ku socdaan wuxuu leeyahay raad shisheeye. Wuxuu Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu cadaadis saaray dowlad hal sano iyo bar un dhisneyd. Sida kooxda gar-darran looga bartay, shantii hoggaamiye maamul-goboleed ee Dowladda Dhexe u heshiiyay maanta oo ah 2019 hal hoggaamiye baa ka haray oo isaga xitaa lagu muransan yahay doorashadiisii Kismaayo.

Soomaaliya waxaa sanooyin lagu curyaaminayay ereyga “looma dhamma” – oo ahaa kaar uu xoqan jiray siyaasigii waayo kursi ama jago. Maantase waxaa Soomaaliya caqabad ku ah saddex qolo oo xiriir saddex geesood ah leh. Qolo afaraad baa jirto oo caqabad ku ah qaranka: waana al-Shabaab. Hayeeshee iyagu waa baab gooni ah. Labo ka mid ah kooxdan saddex geesoodka ah wax un awood ah way leeyihiin – qolada saddexaadse awood gooni ah ma leh oo sidii dayaxii ayay ka tamar qaataan hadba meesha ay tamar ka heli karaan. Waa kuwama saddexdan qolo?

KOW – MAAMUL-GOBOLEEDYADA

Qoladan awood way leeyihiin, wayse kooban tahay – waana sidii la rabay inay u koobnaato markii qaasatan la barbar dhigo Dowladda Dhexe. Mase inkiri karno in madaxda maamul-goboleedyadu u dhaqmaan sidii dowlado ka madax bannaan Soomaaliya. Tusaalayaal kooban:

  1. Damaca DP World ee Imaaraatka: Waxay maamul-goboleedyadu la safteen shisheeyaha iyadoon oggolaansho laga heysan Dowladda Dhexe
  2. Cunoqabateyntii Qatar: Waa tii uu Iskaashigu doc-ka-hadal ku sameeyay go’aankii Dowladda Dhexe iyagoo la saftay Sacuudiga iyo xulafadiisa
  3. Amniga iyo dhisidda ciidanka qaranka: Halkii ay keeni lahaayeen ciidan qaran oo amniga dalka sugo, waxay maamul-goboleedyadu qabiileeyeen ciidankii oo ay danahooda soke ku ilaaliyaan
  4. Intaas waxaa sii dheer mar ay Puntland DIIDDO in madaxda Dowladda Dhexe tagaan Puntland; iyo mar ay Galmudug ku dhawaaqday inaysan madaxda Dowladda Dhexe CAG SOO DHIGI KARIN Galmudug; iyo Jubbaland oo garoonka Kismaayo ka soo CEYRISO madaxda QARANKA.

Iyagoo faro-gelin intaas iyo ka badanba ku hayo hawlihii Dowladda Dhexe loo igmaday ayay misana maamul-goboleedyadu sidii diiq qoyay isku yaryaraadaan markii looga baahdo inay qaranka ka DIFAACAAN shisheeyaha. Ila fiiri:

  1. Arrinka dacwada badda kama soo saaraan BAYAAN iyo CAMBAAREYN – ismana garab taagaan Dowladda Dhexe. Wargeyska The Standard Media wuxuu bishii June 2019 soo xigtay maamulka Galmudug oo leh: “In a statement by the Office of the President of Galmudug State, the region accuses President Farmaajo’s government of damaging the long-standing cordial relationship between Kenya and Somalia” – (u fiirso waa xafiiska madaxweynaha Galmudug oo Kenya la safanayo isagoo ku eedeynayo madaxweynaha Soomaaliya inuu dhaawacayo xiriirkii saaxiibtinimo ee labada dal). Waxaa taas ka daran, marka uu maamulka Galmudug is xejinayo Kenya, waxaa taagan XAYIRAADDII duullimaadyada oo shacabkii ay ku qasban yihiin inay maraan Wajeer. Maamulka Galmudug awood wuu u helay inuu madaxweynaha Soomaaliya eedeeyo – misana kuma dhiirran inuu difaaco SHACABKA dhibban.
  2. Arrintii shalay dhacday ee la yiri Dowladda ayaa xayirtay in madaxweyne hore u dhoofo Kismaayo, waynu aragnay in Jubbaland iyo Puntland oo xawaare hillaaca ka dheereeyo ku socdo ay CAMBAAREYN iyo “SHACABKA HA LOO TURO” hawada soo mariyeen – halka aysan sidaas ku oran karin Kenya.

Su’aal haddaba: Maamul-goboleedyada sidan u dhaqmay dan ma u hayaan samatibixinta dalka iyo dadka? Dhagar joogto ah ayay u maleegaan Dowladda Dhexe iyagoo mar ku shirayo dibedda, oo la shirayo shirkado iyo shisheeye, oo ka shirayo Dowladda Dhexe iyo qarannimada.

LABO – XILDHIBAANNADA (qaarkood)

Xildhibaannada awood sharci-dejin maadaama ay leeyihiin, BAYAAN iyo QARAAR lagu garab istaagayo Dowladda Dhexe way awoodaan. Intaas haddii laga heli lahaana naruuro ayay ahaan laheyd. Sidii maamul-goboleedyada ayay xildhibaannada qaar waxay tamartooda geliyeen inay duraan Villa Somalia iyo go’aannada ka soo baxo. Waxay caadeysteen war-xumo tashiil Facebook lagu faafiyo. Waxay caan ku noqdeen HAWL yari iyo TASHWIISH badni. Waxay quutaan oo ku naaxaan tashwiishka iyo jaahwareerka ay ku ridaan dhallinyarada ka qatan fursado waxbarasho iyo waayo-aragnimo ay ku miisaamaan dhacdooyinka saameynta ku leh mustaqbalkooda. Adduunka sidan loogama dhaqmo.

Tusaale yar: Madaxweynihii dhintay ee dalka Venezuela Mr. Hugo Chaves ayaa isagoo khudbeynayo caayay madaxweyne Bushka Mareykanka. Saa intaysanba cid muxaafad ah jawaabin, waxaa ugu COD dheeraa Xildhibaan ahaa MUCAARADKA Bush oo xisbiga Dimuqraaddiga ka tirsanaa. Muxuu yiri?

Wuxuu Xildhibaan Charles Rangel yiri: ““I want President Chavez to please understand that even though many people in the United States are CRITICAL of our president that we RESENT the fact that he would come to the United States and criticize President Bush.” Calaashaan wuxuu xildhibaankan leeyahay ii daa madaxweynahayga Bush xitaa haddii aan dhaliilsanahay aniguu madaxweyne ii yahaye.

Xildhibaan Charles wuxuu ka gilgishay hal erey oo af-lagaaddo ku ahaa Madaxweyne Bush iyadoo la joogo shirkii Qaramada Midoobay ee bishan oo kale Sibteembar ka dhacay New York, 2006. Bal shaqo guri u qaata oo soo magacaaba hal xildhibaan oo kuwa mucaaradka sheegto ah oo u hiilliyay Madaxweynaha Soomaaliya markii ay isqabteen shisheeyaha sida shirkadda DP World ama Kenya. Bishii March 2018, ninka hoggaamiyo shirkadda DP World markuu jeesjees la yiri Soomaaliya wax talo ah kuma lahan heshiiska Dekedda Berbera xildhibaankee ka dhiidhiyay oo mucaarad ah? (Wuxuu yiri: “Somalia can’t change anything about the tripartite agreement.”)

SADDEX – XISBIYADA MUCAARADKA

Qolada saddexaad iyagu awood ma leh: waana xisbiyada qabiileysan ee mucaaradka. Misana iyagoon awood laheyn bay la saftaan oo u bururaan shisheeyaha. Waxay u dhuuntaan shirarka lagu dhagrayo Soomaaliya. Marna uma hiilliyaan qaddiyadda qaranka. Xasuuso, “Qosolba mar buu hiil galaa.” – waa maahmaah Soomaaliyeed. Qosolkii xitaa way ka bakheyleen qaranka. Waxay ku naaxaan sheegsheegidda iyo buunbuuninta gefafka Dowladda iyagoo isla markaana xaqiro waxqabadka iyo dedaalka Dowladda Dhexe.

Isku soo duub, wuxuu akhristuhu ku doodi karaa qoraalkan waa aragti meel u janjeero. Sax. Horta ma jirto aragti aan dhinac u janjeerin. Weligeedba waxa is hayay LILLAAHI iyo LAQDABO. Su’aashuse waxay tahay dhinacee u janjeersan? Ma lillaahi? Mise laqdabo? Ma qarannimo? Mise qabyaalad? Ma dowladnimo? Mise dullinnimo? Runtii magaca iyo haybta qofka kursiga ku fadhiyo micno ma sameeyaan. Keliya waxaa macno sameeyo xukuumaddii laga helo arrimo ay ka mid yihiin: 1 – hawl badni isla xisaabtan leh; 2 – dib u soo nooleynta haykalka dowladimo heer qaran iyo heer caalamiba; 3 – ku dhaqanka siyaasad wadashaqeyn ah oo ka maran isqabqabsiga madaxweyne iyo raysal-wasaarihiisa; 4 – yureynta daneystaha sokeeye iyo shisheeye ee u soo walaahoobayo kheyraadka Soomaaliya; 5 – dhisidda, taageeridda, iyo xannaaneynta Ciidanka Xoogga Dalka; iyo 6 – islaaxinta iyo dib-u-heshiisiinta beelaha. Dowladdii intaas ku hawlan shacabkeeda saddex XIL baa saaran: kow, in shacabku taageero dowladda sifooyinkaas leh iyadoo loo muujinayo in abaal looga hayo waxqabadkooda; labo, in shacabku uu Dowladda uga naseexeeyo wixii gef ah ee aan laga aamusin; iyo saddex, in shacabku yureeyo daneystayaasha isku soo baheystay deminta rajada Soomaaliya.

Wabillaahi Towfiiq

Qalinkii: Abdullahi Janno​
Email: abdullahi.janno@gmail.com
facebook.com/AbdullahiJanno1

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid